Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba kadib casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Farmaajo ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Labada masuul ayaa kawada hadi doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo Nabadgalyada gobolka Geeska Afrika.

Abdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka oo la hadlay warbaainta qaranka ayaa yiri “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxay ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada Dowladood ,labada Dad iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga oo ugu horeeyo, kulankana waxuu daba socdaa kulamdii hore ay u yeesheen”.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa weheliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.