MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynihii geeriyooday ee Burundi ay dhimashadiisa ay daba socotay kaddib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.
Warbaahinta caalamka ayaa heshay warar laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Burundi oo shaacinaya in Pierre Nkurunziza uu la xanuunsanayay coronavirus.
Xaaskiisa oo uu cudurka ku dhacay ayaa xilliga ay geeridiisa timid lagu daweynayay waddanka Kenya, sida ay daabacday BBC-da.

Warbaahinta SOS oo arrintan daaha ka qaadday ayaa dib u eegis ku soo sameysay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii uu sameynayay madaxweynaha, ka hor inta aan lagu dhawaaqin dhimashadiisa.

Dowladda Bujunbura ayaa horaantii isbuucan sheegtay in Pierre Nkurunziza uu wadnaha istaagay, iyadoo aan ka hadlin inuu fayraska qabay iyo inkale.

Nkurunziza ayaa la soo tabiyay inuu sahashanayay khatarta cudurka Covid-19, isagoo amar ku bixiyay in la sameeyo ol’olaha siyaasadeed iyo doorashadii xigtay ee uu ku damacsanaa inuu xilka iska wareejiyo.
talooyinka ay u jeedinayeen mas’uuliyiinta caafimaadka ee Burundi, ee ku saabsanaa digniinaha la xiriira fayraska.

Haddii ay dowladda Burundi xaqiijiso arrintan, Pierre Nkurunziza wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyay ee u geeriyooday cudurka Covid-19.

Wax yar ka hor dhimashadiisa, waxaa lagu soo warramay in Nkurunziza uu caawinaad caafimaad ka dalbaday dhakhaatiirta ugu sarreysa waddanka Burundi.

Pierre Nkurunziza wuxuu dalka Burundi madaxweyne kasoo ahaa muddo 15 sano ah, haddana waxaa lagu waday inuu madaxweynaha cusub ee la doortay xilka ku wareejiyo bisha August.

Sanadkii 2015-kii ayuu qalalaase horseeday kaddib markii uu xilka isu soo taagay markii sdadexaad, taasoo xilligaas loo arkayay inay ahayd tallaabo ka dhan ah dastuurka waddankaas