Muqdisho-(Ayaamaha)-Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa si rasmi ah isu casilay kaddib banaanbax shan habeen oo xiriir ah ka socday Iridda Madaxtooyada dalkaas iyo mid guud oo dalkaas ka socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Xasan Al Bashiir ayaa lagu hayaa Xabsi Guri ay leeyihiin Ciidamada Sirdoonka dalka Suudaan.
Waxaa kale oo la xiray Raiisul Wasaaraha dalkaas Bakri Axmed Saalax iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cismaan Dhaha iyo xubno kale.

Gole kooban ayaa la magacaabay oo dalka sii maamulaya, waxaana hoggaamiye looga dhigay Cawad Ibnu Cowd.
Milatariga Suudaan ayaa saaka waxaa ay la wareegeen TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda, waxaana ay joojiyeen dhamaan Barnaamijyadii maalin laha ahaa iyaga oo ku beddelay Muusigga Heesaha Ciidanka.

Sidookale Shacabka Suudaan oo aad u faraxsan ayaa saaka ku damaashaadaya Waddooyinka Waaweyn ee Khartuum oo bilihii la soo dhaafay ay ku banaanbaxayeen.

Madaxweynaha Suudaan ayaa talada dalkaas la wareegay sanadkii 1986dii,waxaana dalkaasi bilihii la soo dhaafay ka dhacayay dibadbaxyo ka dhashay Cuntada oo sare u kacday.