Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Deni ayaa isku diyaariyo safarkiisii ugu horeeyay ee uu kaga baxaayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wararka ay heleyso Ayaamaha.com ayaa sheegaya in madaxweyne saciid cabdullahi Deni in uu safar shaqo kagag tagi doono magaalada Garowe kabid marka uu ku dhawaaqo golaha wasiirada maamulka Puntland .

Waaa Safarkiisa ugu horeeya ee uu kaga baxaayo magaalada Garowe ayaa la sheegay inuu ku aadi doono magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo xaalado amni daro ay kusoo kordheen ayaamahan tan iyo markuu xilka loo magacaabay.

U jeedka rasmiga ah ee madaxweyne Deni u tagayo magaalada Boosaaso ay tahay inuu isbadal weyn ku sameeyo laamaha amaanka Magaalada Boosaaso iyo tan gobolka Bari.

Maalimihii lasoo dhaafay Boosaaso waxaa ka dhacay dil ay sheegteen masuuiyadiisa Al Shabaab kaasi oo lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsan Shirkadda DP World, kaasi oo kasoo jeeda Jazeerada Malta ee dalka Talyaaniga.

Saciid Dani ayaa waxaa la qorsheynayaa inay horey u raacaan qaar kamid ah xubnaha golaha cusub wasiirada, waxaana wasiirada shaqada ugu horeyso ay ka bilaabi doonaan magaalada Boosaaso, sida xogta aan ku heleyno.