Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Ordogan ayaa sheegay in Turkigu uu bur-burin doono madaxa xoogaga Kurdiyiinta haddii aysan ka bixin agga loogu talagalay nabadda ee waqooyiga Suuriya.

Turkiga ayaa khamiistii ogolaaday in uu joojiyo dagaalka uu shanta maalmood ka waday siiriya taas baadalkeeduna ay Kurdiyiintu dib uga gurtaan meelaha dagaalku ka socdo.

Hasayeeshee labada dhinac ayaa midba midka kalle waxaa uu ku eedeynayaa in uu xabad joojinta jabiyay.

Anakara ayaa balanqaday in ay markale dagaall adag ku qaadi doonto meelaha ay joogaan kurdiyiintu waxayna ka digtay in ay heshiiskii khamiiistii u hogaansami waayaan

Hanjabaadda Turkiga ayaa laga baqayaa in ay horseedo in dagaal cusub oo ka billowdo Woqooyiga Siiriya.