Muqdisho-(Ayaamaha)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa hambalyo kal iyo lab ah u diray dhiggiisa Nigeria, Muhamamadu Buhari, oo mar labaad loo doortay xilka Madaxweynenimo ee Dalkaasi.

Maxamed C/llaahi farmaajo, ayaa dhambaal uu u diray Mr; Buhari, ku sheegay in ay tahay mid Taariikhi ah in dib loo doorto Madaxweyane Muhamadu Buhari, wuxuuna sheegay in ay tallaabadaasi sii xoojin doonto xiriirka Labada Dal.

Wuxuu sidoo kale hambalyo taa la mid ah u diray Shacabka Nigeria, isagoo ka rajeeyay in ay sii wanaagsanaato wada shaqaynta kala dhaxeysa Madaxweyne Muhamadu Buhari.