Madaxwene Farmaajo oo labadii maalmood ee tagtay safar shaqo ku joogay #Burundi ayaa caawa soo gaaray Jabuuti, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Wasiirka Gaanshaandhiga Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, Lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Cabdisiciid muuse Cali iyo Taliyaha Ciidan Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe)