Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilkii Elmaas Elman Axmed shalay loogu geystay gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo si weyn loo ilaaliyo.

Farmaajo ayaa Hay’adaha amniga faray in si dhaqsi ah loo keeno cadeymo ku aadan dilka Gabadhaas qiimaha badan ugu fadhisay Qaranka Soomaaliya,islamarkaana cadaaladda la horkeeno cida ka dambeysa falka dilka ah.

” Madaxweyne Farmaajo wuxuu amar ku bixiyay in baaritaan aan loo kala harin hay’adaha amniga ku sameeyaan lana keeno cadeymo la aqbali karo,”ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta Madaxtooyada oo nala hadlay.

Almaas Elman Axmed ayaa mar soo noqotay Xoghayaha koowaad safaaradda Soomaaliya ee Kenya,waxayna hadda ka tirsaneyd hey’adda Elman Peace oo uu Aas’aasay Aabaheed oo caan ku ahaa ka Shaqeynta Nabada ee Elman Axmed, kaas oo isna Muqdisho lagu dilay.

Wali lama cadeyn karo sababta Almaas Elman loo dilay iyo cida dishay,inkastoo wiil dhalinyaro ah oo la socday Elmaas Elman uu sheegay in weerar lagu soo qaaday rasaasna ay haleeshay Elmaas sidaasina ku geeriyootay.