MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow magacaabay taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sidoo kale magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali.

Wareegtadaan ka soo baxday MadaxweynE Farmaajo ayaa loogu kala wareejiyay Labada Sarreeye xilalkii ay hore u haayeen.