MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday in markii u horeysay uu tago degmada Yaaqshiid ayaa maanta ka baaqsaday xarig jarkii Xarunta degmada Yaaqshiid oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay, Madaxweynaha ayaa tan iyo markii xilka loo doortay tagin qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed ayaa xarigga ka jaray Xarumaha Wasaaradaha Ganacsiga, Boostada, Xabsiga Dhexe, Xarumaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaaqshiid oo dhowaan dhowaan dayactir iyo qurxin lagu sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro Xarunta degmada Warta Nabadda/Wardhiigley oo ay ku taalo Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Stadium Muqdisho.