Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maalintii labaad ku sugan Sandalada Cuman ayaa waxaa uu la kulmay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur.

Farmaajo oo shaley Gelinkii dambe gaarey dalka Cumaan ayaa waxaa uu halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer ee Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geerioyoodey da’da 79 jir.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu suldaan Haitham Bin Daariq u rajeeyay inuu Cummaan ku hogaamin doono cadaalad, isla markaana uu ka shaqeyn doono horumarka dalkaas.

Magaalada Masqad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa gaaray Madax ka socota dalalka Carabta, kuwaasi oo ka qeyb galaya Tacsida qaran ee u taalada dowladda Cummaan iyo shacabkeeda, kadib markii maalmo kahor uu geeriyooday Suldaan Qaabuus Bin Saciid oo muddo xukumayay dalkaas.