Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shiri ka furmaya magaalada Kampala oo looga hadlayo isku xirka iyo horumarka Africa “Africa Now”, isagoo ka mida madax kooban oo afrikaan ah oo shirkaasi ka qeyb galaya.

Waa safarkii saddexaad ee bishan gudaheed oo madaxweyne Farmaajo ku tago dalalka dibadda, wuxuuna hore u booqday dalalka Itoobiya iyo Kenya.