Madaxweyne Farmaajo oo qaaday tallaabo keeni karta isku dhac isaga Rooble.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar hoos oo laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxwayne Farmaajo uu Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe ku amray in is bedel degdeg ah lagu sameeyo agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta.

Xogtaan ayaa sheegaysa in bedelka la filayo in maanta oo isniin ah lagu dhawaaqo ayaa la qorsheeyay in laga billaabo agaasimaha guud ee wasaaradda Naasir Xuseen, iyadoo kadibna raaci doonaan agaasimayaasha qeybaha warbaahinta sida TV-ga Qaranka, Radio Muqdisho iyo SONNA.

Sababta arrintaas xilka ka qaadista agaasimiyaasha loogu sameynayo ayaa lagu sheegay in warbaahinta Qaranka ay muddooyinkii ugu dambeeyay qaadatay siyaasad tifaftir oo dhexdhexaad ah iyada oo baahineysay hadallada siyaasiyiinta mucaaradka ah oo aan horey looga baran wasaaradda warfaafinta.

Madaxweyne Farmaajo oo arrinkaan aad u dhibsaday ayaa la sheegay in amarkaan bixiyay balse haddii uu tallaabadan qaado waxay ka hor imaaneysaa xeer uu Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray oo sheegayay in aan agaasimayaasha guud wax isbedel ah lagu sameyn karin inta lagu guda jiro kala guurka siyaasadda.

Hadii tallaabadan uu qaado wasiirka warfaafinta waxaa laga baqayaa in ay dhaliso xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra”iisul wasaare Rooble.

Ujeedka Farmaajo ee is bedelkaan ayaa ah Ololaha dib u doorashadiisa, maadaama awoodda ugu badan ee doorashada loo adeegsanayo ay tahay Warbaahinta.