Muqdisho-Ayaamaha-Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa macquul ay tahay in xilka laga qaado kadib markii uu kasoo bixi waayey Shaqadii loo igmaday.

Taliyaha Asluubta ayaa ku guuldareystay tan iyo Howshaan intii loo magacaabay baa la yiri oo lagu badelay General Bashiir Goobe,Dhacadadii ugu dambeysayna waa midii Bishii Hore Maxaabiis Shabaab ah ay Xabsiga dhexe ka baxsadeen.

Kiiskii taliyaha Xabsiga Dhexe uu xilka ku waayey iyo isla xisaabtan dhab ah uusan ku sameyn General Mahad C/raxmaan ayaa qeyb ka ah waxyaabaha loo cuskanayo Xilka xayuubista lala rabo.

Madaxweynaha ayaa ka fekiraya shakhsiga la geyn lahaa Taliyaha Asluubta iyadoo aan si cad loo ogeyn wakhtiga la qorsheeyey in isbadel lagu sameeyo Taliska Asluubta.