Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, oo Maanta hadal ka jeedinayay shirweynaha Garsoorka ayaa Soomaaliland raali gelin ka siiyey duqayntii dowladdii kacaanka ee Magaalooyinka Soomaaliland sida Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu sheegay in wixii xlligaas dhacay aysan aheyn arrimo qabiil,hayeeshee ay ahaayeen arrimo loo soo maray nidaam dowladeed oo waqtigaas jiray,isaga oo arrimahas ka hadlayay ayaa waxaa uu yiri”

“Wixii Wuqooyi ka dhacay ma ahayn Koofur oo Wuqooyi ku duushay, wax qabiil ku saleysanna ma ahayn,waxay ahayd Systam dowli ah, anigoo Madaxweynihii Qaranka ah ayaan cudurdaarkaas sameeyo, idinkuna aad ila qaadataan”.

Hadalkan uu Maanta Madaxweyne Farmaajo ka sheegay shirweynaha Garsoorka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maalin ka hor uu Magaalada Addis Ababa uu kula kulmey Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Walow aan la shaacin waxyaabaha ay kulankaasi uga hadleen.