Muqdisho-(Ayaamaha)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dambeeyay kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda Sacuudiga, iyadoo aan la faahfaahin ujeedka socdaalka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa in safarkiisii ugu horeeyay kadib markii la doortay uu ku tegay Sacuudiga, waxaana loo balanqaaday taageeero dhaqaale iyo mashaariic fara badan oo Sacuudigu ka fulinayo Soomaaliya.

Balse taasi ma dhicin, kadib markii dowladda Soomaaliya ay dhexdhexaad ka noqotay khilaafka sacuudiga iyo dalka Qatar, iyadoo sacuudigu dooneyayey in Somalia ay isaga la safato, xiriirkana u jarto Qatar.

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa culeesyo badan oo dhaqaalo iyo mid bulsho dareentay bilihii ugu dambeeyay, waxaana culeeska ugu badan uu kala kulmayaa xubnaha mucaaradaka dowladda.