Madaxweynahe Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Shirka muranka badan dhaliyay ee maanta ka furmaya magaalada London ee Dalka UK.

Farmaajo wuxu sheegay in Shirkaas uu daba-joogo Shir kan ka horeeyay oo lagu qabtay dalka Britin, islamarkaana lagu soo bandhigay Cilmi baaris kusaabsan Shidaalka Soomaaliya Xiligii Dowladdii Xasan Sheekh maxmuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadeeyey in shirkaas lagu soo bandhigayo warbixin laxiriirta shidaalka Soomaaliya basle aysan jirin wax la iib geynayo. Wararka sheegaya in la xaraashayo shidaalka Soomaaliya uu ku sheegay in aysan xaqiiq ahayn oo ay tabiyeen Mucaaradka.

“Ma jirto wax la xaraashayo iyo shidaal la iibinayo ayuu yiri madaxweyne maxamed cabdullahi farmmajo , hase yeeshee Shirkaas waxa uu daba joogaa shir kan ka horeeyay oo lagu soo bandhigay daraasad laga sameeyay Shidaalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weeray Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale ee Caalamka.

“Warbaahinta dunida ayaa buun-buunisay warka ku saabsan shidaalka, waxaa lagu leeyahay deeyn, qaarkood Ceymis ayey ku jiraan, si ay u helaan lacag iyo dhageestiyaal oo warkooda u gadmo ayey been ka sheegayn shirkaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.