Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kuwa degmooyinka, Afarta Taliye Ciidan ee dalka iyo Taliyaasha Saldhigayada Gobalka Banaadir ayaa si kulul ula hadlay, kana dalbaday inay casilaan haddii aysan waxba ka qaban karin amniga Muqdisho.

Kulanka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa si gaara looga hadlay amniga caasimadda ee si xumaanaya, sababaha keenay in waxba laga qaban waayo qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaalada, waxaana muddo saacado ah la isku weydaarsaday warbixinno keenay in madaxweyne Farmaajo si kulul ula hadlo madaxdii shirka ka qeyb gashay, kuna canaanto inay ka gaabiyeen mas’uuliyadii saarneyd.

Madaxweynaha ayaa si gaara canaan ugu jeediyey Taliyeyaasha saldhiyada Booliska degmooyinka, Guddoomiyaasha isagoo ka careysnaa amniga faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho, wuxuuna si cad ugu sheegay in dadkii iyo hantidooda ay isku dul baaba’een magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu yeeray haddii aysan waxba ka qaban karin amniga inay xilalka banneeyaan.

Magaalada Moqdisho muddooyinkii dambe waxaa sii xumaaday amni darada taas oo keentay in dowlada Federaalka ka gaabsato ka hadalka weerarradda ka dhaca caasimadda, waxaana sidoo kale magaalada ku soo batay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka la shaqeeya dowlada.