Muqdisho-(Ayaamaha)-Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan dowlada Somalia ayaa ku baxay ciidamadii saaka soo baneeyey degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo haatan ku sugan saldhiga Hiilweyne ee nawaaxiga degmada Balcad.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Wasiirka amniga xukuumada Somalia iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Wafdigan ayaa isku dayaya iney ku qanciyaan ciidamada dib iney ugu laabtaan degaanadii ay ka soo baxeen oo ay ka mid yihiin Mahadaay, Qalimow iyo meelo kale.

Ciidamadan ayaa sheegay iney mushahar la’aan dhowr bilood soojiitameysay awgeed uga soo baxeen degaanada ay soo faarujiyeen.

Horey ayaa Wasaarada gaashaandhiga u sheegtay ineysan jirin mushahar la’aan balse ay jiraan dib u dhacyo ku yimid bixinta mushaharka ciidamada sababo la xiriira diiwaan gelin iyo xaqiijin ku socota ciidamada qaarkood.