Muqdisho-Ayaamaha-Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo uu kulan xasaasi ah kula yeeshay Xarunta xalane Xubno ka socday beesha Caalamka.

Kulaan qarsoodida ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah Arimaha Doorashooyinka,amniga guud,Siyaasada iyo sida loo heli karo wada shaqeyn Muxaafad iyo Mucaarad intuba.

James Swan iyo Donald Yamamoto ayaa waxay ahaayeen kuwo ugu madax fiiqnaa Kulanka Ee beesha Caalamka ka socday Ee Madaxweyne Farmaajo kulanka Qarsoodiga la yeeshay.

Waxay beesha Caalamka ku cel celiyeen inaysan marnaba raali ka noqoneyn in doorashada xilligeeda dib looga dhigo.

Taas badelkeeda waxay sheegeen inay ku taageerayaan Dawlada Soomaaliya qabsoomida doorasho qof iyo cod ah oo madaxtooyada sida ay rabto sidaa tahay.

Madaxweyne farmaajo ayaa ballan qaaday inay Doorashada xilligeeda ku dhacdo ayna kaga mahad celinayaan Beesha caalamka sida ay Soomaaliya ugarab joogaan.

Diirada kulanka waxa lagu saaray dagaalka Al Shabaab,Dawlada inay la heshiiso maamul gobolleedyada ka fikirka duwan iyo inay la timaado hanaan dadka oo dhan la isku wadi