Muqdisho-(Ayaamaha)-Waxaa daqiiqado kahor garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada aan dariska nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gellee.

Wafdiga Madaxweynaha Jabuuti waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya,  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada.

Wafdiga Madaxweyne Geelle oo ay ka mid yihiin Wasiirro, Xubno ka tirsan Baarlamanka Jabuuti iyo Fannaaniin Soomaaliyeed ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa la filayaa in uu isla Maanat Xadhiga ka jaro dhismaha cusub ee Safaarada Dowladda Jabuuti ka dhisatay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa la sheegayaa in uu Isla Maanta Gacta sii marin doono Magaalada Baladweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.