Madaxweyne Joe Biden oo muwaadin soomaali ah xil sare umagacaabay iyo waxyaabaha lagu xushay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden Xamse Warfaa oo ah wiil Soomaaliyeed u magacaabay inuu noqdo la-taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Xamse Warfaa ayaa hadda ahaa guddoomiye ku-xigeenka waaxda shaqaaleynta iyo horumarinta dhaqaalaha (DEED) ee gobolka Minnesota. Wiilkaan Soomaaliyeed ayaa hadda kadib kaalin weyn ka cayaari doona hor-marinta shaqada diblomaasiyadeed ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Xamse waxa uu noqonayaa Soomaaligii ugu darajada sareeyey ee Madaxweyne Mareykan ah uu xil u magacaabo. 17-ka bishaan Janaayo ayaa la shaaciyey in Xamse uu ka tegayo shaqadii hore ee guddoomiye ku-xigeenka waaxda DEED.

“Anigoo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay saaxiibada, shaqo-wadaagta iyo qoyska taageerada iigu muujiyey shaqadeyda dadweyne,” ayuu Xamse ku yiei qoraal ay baahisay waaxda DEED ee gobolka Minnesota.

Haatan Xamse waxuu si gaar ah ugu biirayaa xafiiska dadweynaha, Qaxootiga iyo Socdaalka ee wasaaradda arrimaha dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacayaasha. xafiiskan ayaa sidoo kale ka caawiya Madaxweynaha Mareykanka go’aan ka gaaridda tirada qaxootiga imanaya Mareykanka sanad kasta.

Xamse Warfaa ayaa sheegay in uu horay ulasoo shaqeeyay Joe Biden, howlo baaxad lehna uu usoo qabtay.

“Ma aha markii ugu horreysay ee uu xiriir na dhex maro maamulka madaxweyne Biden, xilligii uu ku jiray tartanka siyaasadda, laga billaabo bishii saddexaad ee sanadkii 2020-kii, waxaan ahaa la taliyaha dhaqaalaha ee ololihii madaxweyne Biden, marka xiriir hore oo toos ah ayaan la lahaa.

Doorka cusub ee hadda loo xushay ayuu diiradda ku saari doonaa dhanka dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, isagoo kaalin weyn ka qaadan doona howlaha dowladda ay hoggaamiyaan xisbiga dimuqraaddiga, gaar ahaan arrimaha dibadda.

“Sidaan ognahay xilligan aan ku jirno waa mid xasaasi ah, isbadallo waaweyn ayaa ka dhacay gudaha Mareykanka, geeska Afrika iyo caalamka intiisa kaleba. Tani waa fursad qaali ah oo aanu ku hormarineyno dimuqraaddiyadda, islamarkaana ku xoojineyno xuquuqul insaanka.