Moqdisho-(Ayaamaha)-Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa laga yaaba inuu qabay rajo ah inuu ku guulaysto quluubta shacabkiisa, isaga qaadaytallaabo aan looga baranin siyaasiyiinta, taasoo ah inuu raacay gaadiidka dadweynaha si uu ku soo dhawaysto shacabka, xilli ay doorashada dalka ku aadan tahay bisha May.

Qorshahan ayaa laga yaaba in uusan shaqaynin ama uuba shaqeeyo, iyada oo ay taasi ku xirantahay sida ay dadka u qaatan.

Madaxweynaha iyo rakaab kale ayaa muddo afar saacadood ah ku xayirnaa tareen horay u qaadan jiray 45 daqiiqo oo kaliya.