Baydhabo-(Ayaamaha)-Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed , Lafta Gareen ayaa cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay suuqa xoolaha ee degaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay.

Qaraxyadii Shalay ka dhacay Goof guduud ayaa waxaa ku geeriyootay 5 Qof oo Rayid ah, halka 50 meeyo kalena ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay maamulka KG ee Gobolka Baay.

Madaxwaynaha ayaa Shacabka Koofur galbeed ugu baaqay in ay isu gurmadaan, wuxuuna faray in ay isku meel ugu soo wada jeestaan dadka aan nolasha u ogoleen.

Lafta Gareen ayaa sheegay in Dadka dhaawaca ah ee degaannada Koonfur Galbeed wax looga qaban waayo ay kala kaashan doonan xukuumada federaalka ah, si ay u helaan adeegyo Caafimaad oo dhammaystiran.