Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellaha hoose

 

Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen Wareegto ka soo baxay ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Ibrahim Aadan Najax, kaasoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaasi Maxamed Ibraahim Barre.

 

Ibrahim AadanNajax oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, waana markii labaad ee xilkaas loo magacaabo

Hoos ka Akhriso Wareegta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed