Hargeysa-Ayaamaha-Mustafe Muxumed Cumar Cagjar Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Itoobiya iyo wafti oo uu hoggaaminayo ayaa xalay safar ku tagay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland.

Mustafe Cagjar ayaa Maalinta oo khamiis la filayaa in uu ka qayb-galo dhagax dhigga Waddada isku xirta Berbera iyo Wajaale, taasi oo la lagu wado in uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhagax dhigo.

Waxaa sidoo kale magaalada Hargeysa ku sugan wafdi kale oo ka socda dawladda Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo u tagay inay ka qeyb galaan dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale.

Waxaa Saaka aad loo adkeeyey amaanka Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale iyadoona wadooyinka la soo dhigay ciidamo farabadan oo ka tirsan Maamilka Soomaaliland.