DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo siweyn halkaas loogu soo dhaweeyay.

Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee Guriceel ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas, waxaana kusoo dhaweeyay Maamulka Magaalada iyo boqolaal dad shacab ah.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana uu yiri ” Soo dhoweynta Guriceel waa mid aanan horay ugu soo arkin meelihii aan tagey ,waa soo dhoweyn qiimo badan , waxaan dhihi karaa waa magaalo ganacsi, waa Magaalada ganacsiga Galmudug waana halbowlaha bulshada Galmudug Guriceel”.

Socdaalkiisii nabada ayuu sheegay in uu kusoo af-meeray Guriceel isagoo tilmaamey in tashiyo badan uu la qaadanayo reer Guriceel oo horseed ka ahaa sida madaxweynuhu xusey nabada iyo xuriyada ka jirta Galmudug.