Madaxweyne Qoorqoor Iyo James Swan Oo Ka Wada Hadlay Khilaafka Doorashada

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb,  James Swan.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa waxaa siida lagu saaray sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka Qaranka iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka heshiikii Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wakiilka Qaramada Madoobey uu Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ka cosaday in la xaliyo khilaafka ka taagan doorashada, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada-hadal.

James Swan ayaa horey Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay Shir wadatashi isugu yimaadan si xal buuxa looga gaaro khilaafka doorashada dalka, wallow arrintaas aan weli la fulin.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb,  James Swan ayaa xalay kulan dhinaca Khdaka Internet-ka ah uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya & Madaxweynaha Hir-Shabeeller, siaag oo kala hadlay sii xal deg deg ah looga gaari lahaa arrimaha ka taagan Gobolka Hiiraan.