Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweyne Morales ayaa iscasilay axadii aynu soo dhaafnay, kadib toddobaadyo bannaanbax oo ka socday dalkaas, kuwaas oo looga soo horjeeday doorashadii lagu murmay ee dhawaan ka dhacday dalkaas. Waxaa uu sheegay in lagu qasbay in uu xilka ka dego.

Madaxweyne Morales oo haatan magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Mexico kadib markii uu sheegay in nafsadiisa ay khatar gashay ayaa xilka ka degay isagoo ka xun, waxaana uu cadaadis kala kulmay shacabka wadankaas oo muddooyinkii dambe ku banaanbaxayay wadooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

Haweeney lagu magacaabo Jeanine Áñez ,oo ka tirsan aqalka sare ee dalka Bolivia ayaa si iskeed ah ugu dhawaaqday in ay tahay Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka Bolivia, kadib markii uu xilka iska casilay Madaweynihii dalkaas, Evo Morales.

Jeanine Áñez oo ah guddoomiye ku xigeenka aqalka sare, ka tirsan mucaaradka dalkaas ayaa sheegtay in ay tahay Madaxweynaha dalka Bolivia, sidaas na ay ku qoran tahay dastuurka dalkaas u yaala.

“Kahor inta aysan xilka imaanin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, anigoo ah guddoomiyaha aqalka Senetka, waxaan halkaas kula wareegay xilka Madaxweynenimada, wana sida uu qabo dastuurka inoo degsan,” ayay tiri Ms Áñez.

Ms Áñez ayaa si kumeel gaar ah guddoomiye uga noqotay aqalka saree e dalkaa maalintii talaadada, taas oo ak dhigan in ay tahay qofka xiga ee badeli karo hadii uu Madaxwyenaha xilka baneeyo.