Beledweyne-Ayaamaha-Dad iskugu soo baxay Maanta Magaalada B/weyne ayaa waxay si kulul uga soo horjeedeen tegitaanka Magaaladaasi Madaxweyne Waare.

Dadka oo xamaasadeysnaa ayaa Dawlada Federaalka ugu baaqeen inay Maamul ka madax banaan HirShabelle usameyso Gobolka Hiiraan.

Waxay Dadka banaanbaxa dhigayey ay si kulul uga soo horjeedeen isbadelka aalaaba lagu sameeyo Hogaanka Gobolka Hiiraan iyo is qab qabsiga markii uu yimaado xil wareejinta ay ku waayaan dad hal door u ahaa Gobolka Hiiraan.

Haweenka hadlayey waxay sheegeen inay ka baxeen HirShabelle oo ay Gobolka Hiiraan aayaheeda ka tashan doonto,xilli Madaxweyne Waare uu kusugan yahay Magaalada B/weyne.

Waxa ilaa hadda war kasoo saarin wixii maanta ka dhacay Madaxtooyada HirShabelle,taas oo dadka careysnaa ay sheegeen inay ka baxeen HirShabelle.