Beledweyne-Ayaamaha-Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa ka hadlay sababta mar kasto isbedallada loogu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa tilmaamay in arrintan ay saldhig u tahay maamul xumo uu sheegay inay ka jirto gobolkaasi.

Waare ayaa intaasi raaciyey in loo baahan yahay in wadatashi guud laga sameeyo xaaladda Hiiraan iyo sidii loo hormarin lahaa.

Saddexdii sano ee ay jirtay HirShabelle waxaa gobolkan isku bedalay ku dhawaad 10 guddoomiye oo uu mid kasto xafiiska joogay muddo yar.

Guddoomiyihii ugu dambeeyey ee Yuusfuf Dabageed oo labo mar xilkan soo qabtay ayaa shalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyey guddoomiyaha cusub ee Cali Muxumed Caraale.

Yuusuf Dabageed ayaa muddo diidanaa inuu xilka wareejiyo, waxaana dagaal ka dhashay xiisadaasi ku dhintay taliyihii booliska gobolka Hiiraan Maxamed Macow.