Beledweyne-Ayaamaha-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi waare ayaa si deg-deg ah dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne waare ayaa Waxana Garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro, xildhibaano iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali muxumed Caraale.

Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Waare ee magaalada Beledweyne oo uu dhowr maalmood ka hor safar dalka Kenya ah ugaga ambabaxay ayaa waxaa ku soo beegantay xilli magaalada Beledweyne ay ka socdeen banaanbax loogaga soo horjeedo maamulka Hirshabelle.

Dadka reer Beledweyne ee banaanbaxayay oo taageersan guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa ku gubayay wadada laamiga ah lugo baabuur.

Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday xil ka qaadista, waxaana ciidamo taabacsan ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne dhaq dhaqaaqyo ciidan.