Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ay ku kulmaan Magalada Adis Ababa.

Farmaajo oo horay booqasho uga joogay dalka Burundi ayaa hada ku sugan dalka Jabuuti isagoo kulan laqaatay dhigiisa Jabuuti.

Safarka uu kutagay madaxweyne farmaajo dalka Jabuubti ayaa waxaa ay tahay sidii uu maanta uga sii tagi lahaa Magalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya si uu halkas ula kulmi laha Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.

Kulankaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi  ayaa waxaa soo agaasimay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed,waxaana uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay.

Ilaa hada Lama oga waxyaabaha ugu badan ay ka wada hadli doonaan labada Masuul ee Soomaaliya iyo Soomaaliland.