Madaxweynihii Dalka Haiti Oo Lagu Khaarijiyey Gurigiisa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Haiti, Jovenel Moïse, ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday hoygiisa gaarka ah, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah Claude Joseph.

Mr Joseph wuxuu sheegay in guriga madaxweynaha ay weerareen niman hubeysan oo aan haybtooda la garanayn abaare 01:00 waqtiga ee maxaliga ah.

Xaaska madaxweynaha, Marwada Koowaad Martine Moïse, ayaa sidoo kale la dhaawacay, waxaana la dhigay Isbital, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah, Claude Joseph.

Joesph ayaa cambaareeyey wax uu ugu yeeray ficil naceyb ah, ka baxsan bani’aadannimada, islamarkaana ah xaasidnimo, wuxuuna intaas ku daray in booliska Haiti iyo mas’uuliyiinta kale ay gacanta ku hayaan xaaladda.

Joseph ayaa sheegay inuu hadda isaga hayo talada dalka. Dilka ayaa imanaya ayada oo dalkaas ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale, sarena ay uga kaceen rabshadaha burcadnimada.