Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arap Moi ayaa loola cararay isbitaal ku yaal magaalada Nairobi markii labaad muddo 2 toddobaad gudahood, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation.

Afahayeen u hadlay ayaa sheegay in Moi oo 95 jir ah loo qaaday isbitaal gaar loo leeyahay si xaaladdiisa caafimaad loola socdo.

Qoyska madaxweynihii hore ee Kenya ayaa sheegay inuu neefsan karin.

Inkasta oo ay warkaas beeniyeen qaar kamid ah qoyskiisa.

Daniel Arap Moi ayaa madaxweyne ka ahaa Kenya muddo 24 sanno ah, intii u dhexeeysay sannadihii 1978-dii iyo 2002-dii.