Madaxweynihii hore dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa cuntada ka soomay, waxaa uu sidookale diiday Daawada.

Mid kamid ah Dhakhaatiirrta gaarka ah oo si hoos ula hadlay Wakaalada Anadolu Agency ayaa sheegay in Al-Bashiir Xaaladiisa Caafimaad ay Kasii darayso.

Waxaa uu Dhakhtarkaasi sheegay inuu Cumar Al-Bashiir  diiday, taas waxaa ay sababtay in qaar ka mid ah Xididdaha dhiigga qaada ay shaqada joojiyaan, heerka nafaqada jirkiisana ay hoos u dhacday.

Cumar Al-bashiir ayaa waxaa uu dalkaas Suudaan xukumaayey tan ilaa Sanadkii 1989, waxaana laga qaaday xilka 11kii Bisahn Aprill 2019