Xisbiga Himilo Qaran uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed ayaa bayaan cad kasoo saaray shirka muranka badan dhaliyey ee maanta ka furmayo magaalada London.

Bayaankan kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran ayaa wuxuu ka koobnaa dhowr qodob oo ku saabsan dhibaatada Shidaalka Soomaaliya kaga imaan kara iyo digniinaha ay jeedinayaan.

Xisbiga ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshahan lagu suuq geynaayo Shidaalka Soomaaliya , xilli ay wali ay qabyo yihiin Sharciyadda loogu tala galay Shidaalka.