MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka gaarka ah ee Kenya u qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada loona soo gaabiyo (GSU) ayaa tuulada Daarusalaam Degmada Ceelwaaq ka qafaashay 4-ruux oo dadka tuuladaas ah.

Ehelka dadka maqan ayaa xaqiijiyay in Askataan sida gaarka ah Kenya u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada in ay wateen afar oo kala ah:

Cabdifitaax Xasan Nuur

Cabdifitaax Diiriye Qorane

Cabdullaahi Cali Dhicis iyo

Maxamed Ibraahim Afey.

Dadkaan waa xoolo dhaqato sida ay shaaciyeen ehelkooda, waxaana u yimid Ciidamada Kenya oo ka kaxeystay tuulada ay joogeen oo hoostagta Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, lamana ogo halka ay geysteen.

Saraakiisha GSU-da inta badan Warbaahinta lama hadlaan, sooma bandhigaan shaqsiyaadka ay xiraan, balse qoraalo ay dhigaan barahooda Xiriirka Bulshada ayay ku sheegaan in shaqsiyaadka ay qabtaan katirsan yihiin waxa loogu yeero Argagixisada.