Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii shalay gelinkii dambe ka dhacay Hotelka Dusir2 ee xaafadda Westland ee Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen.

Weerarkii ka dhacay hotelka ku yaala xaafadda Westland ayaa la sheegay in dad Soomaaliyeed ay ku jireen dadkii ku dhintay weerarka, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay labo ruux oo Soomaali ah.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya inay weerarkaas ku geeriyoodeen dhalanyaro Soomaali ah oo gaaraya laba Nin oo wada dhashay, kuwaas oo Magacyacdooda lagu sheegay Feysal Daahir iyo Cabdalla Daahir.

Si kastaba dowladda Kenya ay sheegtay in laamaha ammaanka ay la wareegeen dhismaha la weeraray ayaa haddana waxaa goobta laga maqlaya dhawaaqa qaraxyo iyo rasaas.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 15 ruux oo 11 kamid ah ay Kenyan yihiin, laakiin Al Shabaab ayaa waxay sheegeen inay ku dileen weerakaas ilaa iyo 50 qofood.