MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay Safarkii Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka uu shalay ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiye Mahad Cabdala Cawad uusan Dhuusamareeb u tegi matalaad uu matalayo Golaha Shacabka, hayeeshee uu isaga iskiis ku aaday halkaas.

Sidoo kale Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu tilmaamay in Safarkii Mahad Cawad ee  Dhuusamareeb uu ku noqday Arrin fajac ah, kaidib markii uu lagu arkay Sawirro laga soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo shalay halkaas gaaray.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, sxbkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Gudooomiye Mursal ayaa Ku Eedeeyey Kuxigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad mid shaqadiisii Gabay islamarkaana shalay raacay Wafdigii Kheyre.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Golaha Shacabka in Mahad Cawad uusan ku meteli karin Shirka Dhuuso mareeb,Golaha sidaa awgeedna ay tani muujineyso kala jab ku yimid Gudoonka Baarlamaanka.