Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir.

Maxay ka dhigantahay Xil ka qadista Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo gabdhiii looyarada aheyd ee Mona Sharman ee isaga tagtay kiiska Badda?

Xeer Ilaaliyihii Qaranka Axmed Cali ayaa kamid ahaa xubnihii ugu firficoonaa Xog ogaalna u ahaa kiiska dacwada badda.

Maalmo kahor Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay Nairobi, isagoo hashiis la galay Kenya, Waxeyna Kenya sheegtay in muranka badda lagu dhameyn doona qaab labada dal ay ku qancaan.