Maleeshiyaad gubay Guryo kuyaalla degaan ka tirsan G/Galgaduud

BALANBALE-AYAAMAHA- Maleeshiyaad hubeysan ayaa weeraray degaanka Jiicle oo dhanka bari ka xiga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo gubay Guryo iyo Barkado Biyaha laga cabo oo kuyaalla degaankaas.

Maleeshiyaadka falkan geystay ayaa degaanka Jiicle ku tegay si dhuumaaleysi ah, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in arrintaan salka ku heeyso dagaal Beeleedyo dhawaan ka dhacay degaano hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Dadka Guryaha laga gubay ayaa la sheegay inay ku dayacan yihiin degaanka Jiicle, isla markaana aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo sidoo kale qoraxda.

Qaar kamid ah dadka degaanka Jiicle ayaa waxaa ay sheegeen inay darewmayaan cabsi xoogan oo ku aadan in markale maleeshiyaadka hubeysan ay soo weeraraan ayna dhibaateeyaan, waxaana ay ka codsadeen inay wax ka qabtaan.

Madaxda Maamulka Galmudug ayaa ka aamusan Colaad beeleedyada ka taagan degaannada hoostaga degmada Balanballe, colaadaas oo ah mid in badan soo laab laabatay.