Maleeshiyaadka General Xuud oo weerar culus ku qaaday Beledweyne.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maleeshiyaad Daacad u ah Gen Abuukra Xaaji Warsame Xuud oo Xalay Abaabul Dagaal Kawaday Deegaanka Ceelgaal ee Duleedka Magaalada Baladweyne ayaa Saaka Weerar Ku Qaaday Baro Koontarool oo Ciidanka Booliska Hirshabeelle Kulahaayeen Gudaha Magaalada Baladweyne.

Dagaal u Dhaxeeyo Ciidaka Booliska Hirshabeelle iyo Maleeshiyaadka Gen Xuud ayaa xilligan Kasocda Xaafada Nuur Xawaad ee Dhanka Bari Magaalada Baladweyne.

Qasaare Dhiasho iyo Dhaawac ah Ayaa Durba Lasoo Wariyay iyadoo ay Socoto Rasaasta ay is weydaarsanayaan Labada Dhinac.

Shalay ayeey aheyd Markii Wasiiradii ugu Bdnaa ay Yimaadeen Baladweyne Waxaana Maanta Lagu Waday in Magaalada Lagu Qabto Shirka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.