MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha laanta dambi baarista Mareykanka ayaa sheegay in Shiinaha uu halis weyn ku hayo Mareykanka.

Wuxuu sheegay “Tallaabada Shiinaha uu wado ee basaasnimada iyo dhaca waxay halis weyn ku tahay mustaqbalka Mareykanka”

Agaasimaha FBI-da Christopher Wray wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinaha uu wado olole carqaladeyn ah oo ka dhan ah Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Shiinaha uu bilaabay in uu beegsado muwaadiniintiisa ku nool dalalka dibadda isla markaana uu ku qasbayo inay dib u soo laabtaan iyo in uu ka shaqeynayo sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa cilmi baarista uu Mareykanka wado ee ku aadan cudurka Corona.