Marko-Ayaamaha-Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRIOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay uu ka fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka duqeyn dhinaca cirka ah  uu ka fuliyey degaano ku yaalla gobolka ShabeellahaHoose.

Qoraalka Taliska ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka wax Khasaaro ah uusan soo gaarin dad shacab oo ka Agdhawaa deegaanka Bacow.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen 3 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ,isla markaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Duqeyntaan Ciidamada Maraykanka ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah duqeyntii ugu horeysay ee Sanadkan Cusub ee 2020-ka Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya.