Mareykanka oo farriin u diray Madaxda maamul goboleedyada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinke ayaa u soo jeediyay  Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan una macquulsan u soo gabagabeeyaan hannaanka doorashada Soomaaliya.

Hadalka xoghayaha ayaa yimid maalin kaddib markii Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen jadwalka hannaanka doorashada Soomaaliya.

Antony Blinken ayaa soo saaray fariin ku aadan hambalyada maalinta xornimada ee 1-da Luulyo, isagoo ugu baaqay dhammaan Madaxda inay sii wadaan wada shaqeynta, si ay u suurta gasho soo gabagabeynta hannaan doorasho daah furan, nabad ah oo loo dhan yahay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda Mareykanka ay sii laba jibaari doonto taageerada ay siiso dowladda dhexe ee Soomaaliya si loo qabto doorasho hufan.