Mareykanka oo ku booriyey dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya ilaalinta xabad joojinta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga aqalka sare ee Mareykana u qaabilsan dhanka xiriirka dibadda, ayaa ku booriyey dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, iney u hoggaan samaan xabad joojinta ay ku dhawaaqdey dowladda federaalka Itoobiya.

Guddiga ayaa warbixintiisa ku sheegay in ciidamada dowladda Eritrea iy kuwa mucaaradka TPLF laga doonayo iney sidoo kale xabad joojinta dhawraan. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu adkeeyey iney qadariyaan inaaney tacadiyo iyo gabood fallo kale dhicin, gargaarka bani’aadanimana ay u oggolaadaan inuu gaaro halka looggu tala galey.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqdey xabad joojin dhankeeda ah 28-kii June, ka gadaal markii ay soo baxeen warar sheegaya in mucaaradka TPLF ciidamo hoos taga ay la wareegeen xarunta Tigray ee Mekele.

Maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray, ayaa sheegay si kasta oo ay tahay, in xabad joojinta loo sameeyey in la fududeeyo in dhaq dhaqaaqa beerashada ee xili roobaadkan la guda galo, iyo in gargaarka bani’aadanimo shacabka tabaaleysan la gaarsiiyo.

Madaxa maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigray Abraham Balay, ayaa tilmaamey in xabad joojinta ay qeyb ka geysaneyso fududeynta iney si nabad galyo isu soo dhiibi doonaan madaxda TPLF.