MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay maxkamad la tiigsan doono lataliyii hore ee madaxweyne Donald Trump kaas oo dhawaan qorsheynaya in uu soo saaro buug uu ku fashilinayo siro badan.

Sirahan uu fashilinayo John Bolton ayaa waxaa ka mid ah in madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu ka codsaday dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, inuu ka caawiyo dib-u-doorashadiisa.

Bolton oo faahfaahin ka bixinayay buugga oo lagu wado inuu dhawaan soo baxo, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu doonayay in Shiinaha uu dalaga beeraha ka iibsado beeraleyda Maraykanka.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in dhacdada buuggu tilmaamay ay u ektahay falkii horseeday dacwaddii xilka qaadista ee uu wajahay Trump.

Aqalka Cad ayaa ku dedaalaya sidii uu u horjoogsan lahaa daabacaadda buuggan.

Sida ay qabto waaxda cadaallada ee Maraykanka, buugga waxaa ku qoran “xog xasaasi ah oo aan bulshada loo soo bandhigin,”

Buugga oo cinwaan looga dhigay “Qolka ay wax ka dhaceen” ayaa lagu wadaa inuu soo baxo 23-ka bishan.

Bishii January, Aqalka Cad ayaa sheegay in buugga lagu faafinayo “sir culus” taasoo ay tahay in meesha laga saaro, balse Bolton ayaa diidday arinkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in bisha November uu loolan adag kala kulmo Joe Biden oo ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, ahaana madaxweyne kuxigeenkii hore ee Barack Obama.