MUQDISHO-AYAAMAHA-Ardayda ajaanibta ah ee wax ka barta dalka Mareykanka ayaa loogu hanjabay in aysan sii joogi doonin wadankaasi haddii ay Jaamacadaha ay dhigtaan ay duruustooda u wareejiyaan qaabka online’ka ah.

Waaxda muhaajiriinta Mareykanka ayaa ayaa sheegtay in ardaydani ay waji doonaan musaafuriska haddii aysan u hogaansamin shuruucda u dagsan dalka.

Kumanaan arday ayaa sanad walba wadanka Mareykanka u tagaan waxbarasho balse waxaa haatan saameen xoogan ku yeeshay caabuqa saf-marka ah ee Covid-19.