Muqdisho-Ayaamaha-War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu Gobolka Jubbada Hoose ku diley Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab kaas oo horay u diley Askari ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka.

Afhayeenka AFRICOM oo lagu magacaabo Kolonel Chris Karns oo la hadlay Wargeyska Military Times waxa uu xusay in Dagaalamahaasi oo uu magaciisa ku sheegay C/llaahi  Jibiyow mas’uul ka ahaa duqeyntii Hoobiyaha ee bishii June 8-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii  u uku geeriyooday Askari Maraykan oo lagu magacaabi jirey Saddex Alifle Alexander Conrad, iyadoo 4 kalena lagu dhaawacay.

Waxa uu intaasi ku daray in Cabdullaahi Jabiyow uu mas’uul ka ahaa weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee uu ku dhintay Askari Mareykan ah oo lagu Magacaabi jiray Alexander Conrad weerarkaas oo dhacay 8-dii Bishii June sanadkii 2018.

Afhayeenka AFRICOM waxa uu tilmaamay in Duqeyn Diyaaradeed oo ay geysteen bishii la soo dhaafay ee April 19-dii ku dileen 2 Dagalaamayaal Alshabaab, oo mid ka mid ahaa C/llaahi Jibiyow oo madax ka ahaa Dagaalamayaal weeraro badan oo Hoobiyayaal ah ka geystay Dooxadda Gobalka J/Hoose, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mareykanka ayaa sidoo kale shaaciyey in sanadkaan 2019 uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah,isla markaana Soomaaliya uu ka fuliyey 33 Weerar oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo Xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.